All people work for me.!!!

All people work for me.!!!

 


Tiro Laguma Koobo Dadka Aniga Ii Shaqeeya

 

Anigu ma ihi qof mansab sare haya, sida boqor ama madaxwayne, mana ihi qof hanti leh oo taajir ah, waxaan ka mid ahayd dadka caadiga ah. Haddana dadka oo dhami aniga ayey ii shaqeeyaan. Waxaad is odhan kartaa malaha waa qof cilmi badan? Ma ihi qof caalim ah oo cilmi lagaga danbeeyo oo loogu adeego cilmiga awgiis. Waxaan ka mid ahay umadaa caadiga ah haddana waxaan ahay qofkaa ay aadamiga oo dhami u shaqeeyaa. Waligayna waa la ii shaqayn jiray Inta cimrigayga ka hadhayna waa la ii shaqaynayaa, Waxa aan doonaba waa la ii keenayaa, hadba halka aan joogo ayaa laygu adeegayaa. Hadh iyo habeen hawshayda lagama nasto, intaas aniga ayaa la ii shaqaynayaa. La igama daalo, meel kasta oo aan dunida ka tago heegan ayaa la iigu yahay.

 

Lacag, mushqaayad iyo hanti toona ma goynkarto shaqada la ii qabto. Wanaagsanaa dadku!!  Sariirtayda dusheeda badhan yar oo ku yalla ayaan riixaa subaxa hore, waxa ii daarma iftiin/laydh ay habeen iyo maalin saacad kasta, daqiiqad kasta iyo seken kastaba boqolaal qof heegan iigu yihiin si mar kata oo aan laydh u baahdo aan u helo. Laydhkaas waxa dhaliya mishiinno waawayn, balse buuqooda iyoo guuxooda waa la iga fogeeyey si aanan u dhibsan.

 

Dad boqolaal ah ayaa heegan iigu ah wakhti walba sidii aan u heli lahaa biyo marka aan u baahdo guriga iyo meel kasta oo aan joogaba.Sidoo  Boqolaal qof ayaa ka shaqeeya labiskayga kadib marka aaan dhamaysto maydhashada, waxaan tagaa kabadhka dharka, dhawr kala nooc ayaan kala doordoortaa iyaga oo maydhan oo kaawiyadaysan kuna haboon wakhtigaas goobta aan tagayo, waxa labis kabadhka iigu jira waxaa siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyey malyuumaad qof oo intaas ku hawlanaa sidii ay iigu diyaarin lahaayeen labiska aan xidhanayo.

 



Bal ka fikir dadka ka hawlgalay dharka aan xidhanayo, kasoo bilow kii beeray cudbiga dharka laga sameeyo illaa kii warshadeeyey, wixii lagu soo gaadhsiiyey si aniga uun la iigu diyaariyo dharka aan xidhanayo. Alxamdu lillah, Dadkaas oo dhami aniga ayey ii shaqaynayaan, Marka aan xidho kabihii iyo dharkii aan ugu jeclaa waxaan marsadaa udgoon si ay ugu raaxaystaan dadka aniga ii shaqaynayaa. Marka aan intaas dhamaysto waxaan u baxaa dibadda gurigayga halkaas oo ay diyaar iigu yihiin baabuur kala duwan basas iyo tagaasiba leh, dhamaantood waxay u tartamaan kii I qaadi lahaa oo I gayn lahaa goobtii aan ka quraacan lahaa ka hor inta aanan gaadhin goobtaydii shaqada.

 

Quraacdayda oo qudha wax ka shaqeeya malyuumaad qof!!!

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post