10 Qaab Oo Ardaygu U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto.
Maalinka Imtixaanku waa maalin uu arday walba dareemo madax naxuun saayid ah iyo caajis dhan walba ah, haddaba waxaynu isku dayi doonaa insha allah in aynu daaha ka qaadno dariiqooyinka ugu wanaagsan ee ardaygu ku diyaarin karo imtixaan ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga imtixaanka.
Wadadee ugu sahlan ee ardagu ku diyaarin karaa casharadii uu soo dhigtay? Run ahaantii maaha maskaxda ibni-aadanki mid si dhab ah u kaydisa ama u xifdisa wax aysan fahmin, sidaasi darted waxaa lagaaga baahanyahay in taxadarkaaga oo dhan aad kusoo jeediso sidii aad u fahmi lahayd waxa aad akhrinayso, haddii yoolkaaga ama hadafkaagu yahay uun wax walba siday u qoranyihiin u xifdi dhab ahaantii waxaad qasaarisay wakhti badan iyo tamar badan, Waxaad isku dayeysaa inaad maskaxdaada ku qasabto wax aysan u qaabaysnayn oo aanu alle u qaabayn dhisme ahaan iyo shaqo ahaanba.
Intaas ka dib shayga kobaad ee aan kugula talinayo waxa ay tahay inaad fahanto marka hore waxaad akhrinayso, markaad si dhaba u fahanto macnahooda, waxa hubaal ah in qayb wayn oo muraajacadaada ama akhriskaaga ah aad ku guulaysatay. Bal ka warran hadii aan ku dhibtoodo fahanka ama barashada waxyaabaha qaar? Hagaag, taasi waa caqabad mararka qaar soo wajahda qof waliba oo aadane ah maahan wax kuu gaar ah adiga, laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan kula wadaagno sida aad caqabaadaasi uga bixi lahayd in kastoo ay dhici karto inaad la yaabto. Isku day inaad barto qof kale hadii aanad adigu fahmin waxaasi macnahooda!!! Sidee?
Waad la yaabantahay soomaaha? Isku day inaad waalidkaaaga ama saaaxiibkaa aad iskaga dhigto macalin u sharaxaya waxa aad doonayso inaad fahanto macnahooda dhabta ah. Dhab ahaantii waxay arintaasi ka kaalmaynaysaa inaad si dhab ah u fahanto waxa kugu adag, fadlan ha ka xishoon marna inaad waalidkaaga ama saaxiibkaa aad waydiiso waxa kugu adag fahankooda, soo maaha midda la yidhaa “cilmigu waxa uu ku jiraa ardayda dhexdooda” ha isku dayin inaad is adkayso ama aad ka xishootoo waydiinta su`aasha waalidkaa ama asxaabtaada.
Waxyaabaha kaa yaraynaya wer-werka imtixaanka:
1. Adiga oo si fiican u diyaariya casharada imtixaanka ka hor siina maraajiceeya.
2. Adiga oo sii ogaada wakhtiga imtixanka, qaybaha uu ka kobanyahay imtixaanku iyo darajooyinka lagu bixinayo.
3. Waa inaad yeelataa qorshe hawleed ku saabsan imtixaanka iyo jadwal.
4. Adiga oo ku bilaaba akhriska maadooyinka adag siina jilciya/maraajiceeya.
5. Waa inaad wakhti hore habeenkii seexatto, subaxa imtixaankana xilli hore aad toostaa.
6. Waa inaad sii eegtaa imtixaanadii hore ee madadan laga keenay sida ( mid term kii ) kana sii shaqaysaa su`aalaha.
7. Waa inaad naftaada kalsooni ku abuurtaa.
8. Inaad akhrisatto ducooyinka imtixaanka sida (( رب يسر ولا تعسر عونك يا الهى))
9. Waa inaad goor hore tagtaa goobta imtixaanka.
10. Waa inaad ogaata halka aad fadhiisanayso.
Guulbaan kuu rajaynayaa walaal iyo dadaal.
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete