Qof kasta oo inaga mid ah waxa uu is waydiinayaa xirfadda uu leeyahay iyo shaqada uu qabto illaa wakhtiga ay sii jiri karo. Nolasha Aadamaha oo ku dhisan hayaan iyo raadin wax cusub ayaa maalin walba meel u guurta waxaana adag in qoka aan qaybta ka ahayn geediga uu la jaanqaado nolasha casriga ah ee aadka isku badalaysa, dad badan ayaana sanad kasta ka daga liiska shaqooyinka halka kuwa cusubna ay kusoo biiraan, xirfadaha qaar ayaa muhiim loo arkaa halka kuwo kale oo xilli kamida xilliyada muhiim ahaana si fudud suuqa looga saaro, horumarka dalakana waxa jeheeye u ah hadba xirfadaha dadkiisu leeyihiin iyo sida ay nolasha casriga ah qayb uga sii ahaan karaan.
Haddaba wali ma iswaydiisay daawade maxay yihiin shaqooyinka noqon doona mustaqbalka kuwa loogu baahida badanyahay, hadaad iswaydiisay balsi aad jawaab ugu hesho qormadan dhamayso si aad wax badan kuga bogotto.
Mustaqbalka shaqooyinku waxa ay noqotay su`aal iswaydiinteedu ay ka taagantahay meel walba oo caalamka ka mida, soo if bixidda nidaamka casriga ah ee wax soo saarka aadamaha ayaa shaqooyin badan ka dhigay kuwo aan lahayn saamayn iyo muhiimad sidaasi usii wayn, waxaana markiiba fududatay in si fudud logu badalo meshiino ama looga guuro xirfaddo kale oo si ka casrisan u qabanaya kuwii markaasi joogay. Tusaale ahaan baabuurta kaligood is kaxeeya, mashiinada caafimaadka ee u fuliya qaliinada qaabka digital ka ah, computer radda casriga ah ee dhawrka shaqo hal mar la isku qabanaya iyo xirfaddo kale oo aan tiro lahayn ayey technology ga casriga ahi meesha ka saartay, haddana dhanka kale si kasta oo technology yada iyo habka shaqadu u horumaro haddana waxa mar walba loo baahanyahay xirfaddo la jaan qaadi kara sahanka mustaqbalka.
Ardaygu marka uu jamacadda xaraysanayo ama uu in uu bilaabo waxbarasho kale waxa ugu way ee fakarka badan galinaya waa wixii baran lahaa isaga oo ku salaynaya baahida xirfadaasi leedahay mustaqbalka, inta badan dadku waxa ay wakhtiga iyo xoogooda ku lumiyaan xirfaddo si fudud mustaqbalka looga maarmi karo ama ay badali karaan technology adu, tusaale ahaan xog ururin ay samaysay haayadda world economic forum sannadkii 2018 kii ayey ku sheegtay in dalka maraykanka ay hoos udhaceen shaqooyin badan oo u badnaa shaqooyinka gacan ka qabashada sida xog haynta, daabacaada, suuq gaynta iyo shaqooyin kale oo badan. Halka sare u kac laga dareemayo baahida loo qabo dadka yaqaanna xirfadaha la xiriira computrka iyo technolgyada.
In kasta oo xirfad kasta loo la baranayo qofka anfaci karto haddana qofka dhalinyarada ah ee maanta nool waa in uu fakaraa si ka duwan sidii jiilkii ka horeeyey ay u fakari jireen sababtoo ah waxa is badalay dhamaan hab nolaleedkii dunida, aduunku waxa uu noqday shabakad yar oo isku xidhan shaqo walbana sidii shalay loo qaban jiray maanta looma qabto barrina looma qaban doono. Haddaba xagee loo socdaa wakuwee se shaqooyinka loogu baahida badanyahay mustaqbalka.
Shaqooyinka loogu baahida badanyahay mustaqbalka:-
1. Cloud computing ( Kaydka daruuraha ) : waa xirfad cusub oo kusoo biirtay suuqa technolgyada waxa ayna markiiba lasoo shir tagtay baahi aad u ballaadhan oo loo qabo shirkadaha iyo dadka xirfadaha kaydiya oo dhib badan ku qaba kaydinta xogta waxa ayna inta badan xogaha ku kaydiyaan compoteradda, aaladaha xogaha lagu kaydiyo ee waraqaha ah, halista ugu badan ayaa ahayd in xogta hal mar la waayi karo ama ay lumi karto. Xirfadda kaydka daruuruha ayaa waxa ay sahli kartaa in xolagaha lagu kaydiyo hab online ah oo uu qofku heli karo xogtiisa meel walba oo uu joogo isaga oo aan ubaahan inuu joogo xafiiskiisa sidoo kale waxa uu fududeeyey in la helo kayd wax badan ka balaadhan kan caadiga ah, dad yar ayaana xirfad u leh sida loo abuuro kayd daruureed inta badanna dadka xirfaddan leh ayaa ku shaqeeya mushahar aad usareeya maadama oo baahi wayn ay xaliyeen,xirfaddan waxa baran kara qof kasta waxa ayna si gaara u anfacaysaa dadka leh xirfadda computerka, kaydka daruuhu maanta waa xirfadda loogu raadinta badanyahay aduunka oo dhan maanta.
2. Artificial intelligence ( caqliga gacan kusamayskaa ) :- waxa hubaal ah in aad maqashay gaadhi aadan u baahanaynin in qof kuu kaxeeyo, mashiino la wareegay shaqooyinkii dadka, qalab fahmaya hadalka dadka una jawaabaya iyo dhamaan nidaamyada loo yaqaano casriyeynta shaqooyinka waxa suurto galiyey shaqooyinka technolagyyada loo yaqaanno artificial intelligence, qaabkan ayaa ah hab computeradda iyo qalabka kale loo baro inay u shaqeeyaan si iskood ah iyaga oo qabanaya shaqooyinka dadku qabtaan, aaladaha ayaa la baraa luuqad loo yaqaano code taasi oo u sahlaysa in mishiinku fahmo dadka una shaqeeyo si fudud kana jaban shaqada dadka caadiga ahi qabtaan, barashada xirfaddan waa halka mustaqbalka shaqooyinka saldhigga u noqon doonaan, barashada xirfaddani maaha mid aad u arag sidoo kalana maaha mid aad u fudud balse qofkii wakhti galiyaa guul ayuu kasoo hoynayaa.
3. Cyber security ( Ilaalinta amniga internet ka ) :- Waa xirfad la xiriirta ilaalinta shabakadaha internet ka, waxa ay ka mid tahay xirfadahaha aadka loo raadiyo mustaqbalkana saamay xoogan leh, maalin malba waxa la jabsadaa macluumaad aad muhiim u ah oo ay leeyihiin dawladuhu, shirkadaha iyo shakhsiyaadka muhiimka ah iyada oo loo dhacayo kaydka xogaha bangiyada iyo shabakadaha lagu kaydiyo siraha shirkadaha iyo dawladaha ayaa ah goobaha ugu badan ee la weeraro si loo ilaaliyo ammaanka internet ka waxa aad loogu baahday in la helo dad xirfad u leh ilaalinta xogahaas. Dadkan ayaa ah dad aad loo raadiyo qaatana mushaharaad aad u badan.
4. Ecommerce :- Suuyada online ku waxa ay ka mid noqdeen xirfadaha sida xawliga ah suuqa kusoo galay waxa ay badaleen jihadii ay ku socotay nidaamka wax kala iibsiga caalamka, shirkad kastaa maanta waxay dadaal dheeraad ah ku bixisaa sidii ay uga soo muuqan lahayd internet ka, alaabaha iyo adeegyada ay bixisana ay ugu dhex iibin lahayd internet ka.
5. Decoration :- Qurxinta, nashqadaynta iyo wax kabadalka goobaha ganacsiga iyo xafiisyadu waa xirfad aad ula jaan qaaday nidaamka dhismayaaasha, wakhti gaaban ka hor wax muhiim ah lama siin jirin in ay yeeshaan naqshad gudaha ah oo qurxoon, xirfaddan maaha xirfad cusub balse waa xirfad mar walba la jaan qaada nolasha casriga ah, dunida horumartay dadka leh xirfaddan waxay u hawl galaan qaab la mid ah engerada waxa uuna qofku ushaqaysan karaa si madax banaan.